Isqiimeeyn nafsadeed. Waa hab Lagu Qiimeeynayo ama laga felcelinaayo fikradaha , dareemaha, Iyo Waxa Uu Qofi rumeeysanyahay, ama dabeecadihiisa Iyo Qibradaha uu leeyahay. Waxee sahashaaa in qofku dib u Jaleeco, nololmaalmeeekiisa Iyo qaabka uu u noolyahay, asoo si Qoto Dheer u fahmaayo awoodiisa waxa dhiiri Galiya, meeelaha uu ka jilicsan Yahay Iyo meelaha uu hormar ka sameenayo. Halkaan Waxaan Kuula wadaagin qodobo Muhiim u ah is Qiimeeynta nafeed ama Dib isu laabashada Shakhsiyadeed 1. Maxee tahay Hadafka loo Sameeyo inaad is xisaabiso? - Iska war qab ( Waxa Kuu Wanaagsan Iyo Waxa Kuu Xun ) - Go’aan Qaadasho - Dhibaato Xalin (mid famil mid Asxaab Iyo mid xiriirbo) - Hagid Dareenkaaga ( inaadan isl Markii caroon, ama aadan isla marki waxaadan Rabin haye dhihin ) Intaa qodob waxee Sahlin, in Aad Qiimo Yeelato, in aad ahmiyad Siiso Waxa muhiim kuu ah, maskax furan Iyo nolol dhameestiran 2. Habkee Loo Sameeyaa? Waxaa Jira Habab Badan - 2.1 sidaa Inaad (Journal) Qoris sameeyso Adoo Buug Soo Qaadanayo, qoraya Waxa Ku dhiba, Waxa Ku Farxad Galiya, Waxa Ku Hortaagan, waxa ku cabsi galiya, - 2.2 Xasilooni ( Kaligaa Meel fadhiiso Ku mashquul Neeftaada Adoo sanka kaliya ka Neefsanaayo 5 ilaa 30 daqiiqo maalintii kugu Filan ) xasilooni badan ayaad dareemi doontaa iyo degenaan - 2.3 Dadka xog ka raadi sida ee Kuu arkaan Waliba Kuwa ilbaxa ah ee dareenka bini aadam leh. Weeydii waxa ee wanaag u Arkaan dhankaaga Waxa ee xumaan u arkaan Waxa sixid u baahantahay dhamaaan jawaabaha lagu siiyo u qaado inaad isbadal doon tahay ee ha u qaadan inee kula xifaaltamayaan. 3. Su’aale noocee ah la is weeydiiyaa Si’aad u fahanto Dareenkaaga, Dabeecadada Iyo fikradahaaga si’aad u Hesho Fal Celin Nafsadeed ? - Waa maxay laf dhabarta Waxa Aan rumeeysnahay Iyo qiimahooda, (sida Daacadnimo, Naxariis,Aqoontaada, Damiirkaaga, hab Dhaqankaaga, siyaadadaada Iyo dadka Waxa Aad Ka aminsantahay) - Halkee Baan Ku Liitaa halkeesa Ku wanaagsanahay ? - Maxaa i dhiiri Galiya maxaasa i Farxad Galiya ? - Waa maxay hadafyadeeda Sanadaha dhow Iyo sanadaha Danbe - Sidee Oga Fal Celiyaa Caqabadaha ? - Sidee Baan Isugu xiraa Ficiladeeyda qiimaheeyga iyo hadafyadeeyda ? - Sidee bee dadka ula xiriira ? Sideeysa iila Dhaqmaan ? - Maxaa is badal ama hormarin nafeed aan sameeyaa? (Xiriir ALLe, aqoon , hanti) Faa’iidada Loo Sameeyso is qiimeynya Waxaa Ku Kordhaya - caqligaaga - Waxa ka Feejignan Lugooyo - Sabar/dulqaad dheeri ah - Masuuliyad - Ixtiraam Nafsadeed Walahi Nasiib ayaad leedahay hadaad Intaa fahanto. Sadex mar Akhri Isla markii Koboc Maskaxadeed baad dareemin. . Soo Qor waan iska fal Celin Doonaa maalin walba Koleey daqiiqad ku tahay.